Kulan ay beesha caalamka ay isku dayeysay inay maamulka Puntland kaga dhaadhiciso inay aqbasho go’aanadii kasoo baxay shirka Muqdisho iyo habka doorashada ee ku saleysan 4.5, ayaa dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii laga wada hadlay.
Maamulka Puntland oo horey u shaaciyey inaysan aqbali karin in wax lagu qeybsado nidaamka 4.5 ayaa sida ay hadalka u dhigeen u sheegay xubnaha beesha caalamka in go’aankoodii hore uu ka saleysnaa rabitaanka dadka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id qabtay kadib kulanka ayaa sheegay in wax heshiis ah aan lagu gaarin wada-hadalladii ka socday Garoowe.
Wakiilka xogahayah guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo hogaaminayey wafdigii beesha caalamka, ayaa niyad jab ka muujiyey in ay Puntland ka tagayaan ayaga oo ana ku guuleysan ujeedooyinkii ay halkaas u tageen.
Waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay in dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya ee 2016 uu noqon karo war aan wanaagsaneyn
Keating ayaa sheegay in inkasta oo habka 4.5 uu yahay nidaam aan dhameystirneyn, haddana uu ugu yaraan yahay kan ugu roon, nidaamyo dhowr ah oo lasoo bandhigay.
Keating waxa uu aaminsan yahay in doorashada soo socota ee 2016 ay noqon karto mid looga gudbo 4.5, haddii la raaciyo taallaaboyin lagu wanaajinayo xiriirka dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Wakiilka QM ee Somalia ayaa sheegay in la kulankoodii madax Puntland ay waxyaabo badan ku ogaadeen, islamarkaana ay ku laaban doonaan Muqdisho, uuna filayo wada-hadallo kale oo dheeri ah oo arirntan laga yeesho.