Jabuuti: Xildhibaano Gadood Sammeeyey

Djibouti

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in xukuumadda ay isku dayeyso in rabshadihii dhacay toddobaadkii tagay ay ka dhigto mid aan waxbo ahayn.

Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaradka ah ee Djibouti ee USN ayaa ka baxay fadhigii loo dhamaa ee golaha Baaralamanka Djibouti ay isugu yimaadeen.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in sababta fadhigaasi ay u qaadaceen ay tahay iyada oo (Siday Hadalka U dhigen) laga horjoogsaday inay faataxada u maraan dadkii ku geeriyooday rabshadihii Jabuuti ka dhacay todobaadki hore.

Rabshadahaas ayaa waxaa dowladda ay sheegtay in lagu dilay 7 qof, balse mucaaradka ayaa sheegay in lagu dilay 19 qof oo loo beegsaday aragtidooda siyaasadeed dartood, sida ay hadalka u dhigeen.

Ducaale Cige Coofle oo ka mida xildhibaanada mucaaradka, ayaa VOA-da u sheegay in xukuumadda ay isku dayeyso in dhibkii dhacay ay ka dhigto mid aan waxbo ahayn.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre waraystay Xidlhibaan Ducaale Cige Coofle.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Xildhibaan Ducaale Cige Coofle

Dhinaca kale waxa eedaymahaasi xildhibaanada Mucaaradka ah beeniyay Xildhibaan Maxamed Yuusuf Qumane oo ka tirian isbahaysiga talada haya ee UMP, waxaana uu ku eedeeyay xidlhibaanada Mucaaradku inay sugi waayeen furitaanka rasmiga ah ee fadhiga oo ay ka hordhaceen.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Qumane ayaa waxa uu u warramay weriye Xuseen Barre.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Xildhibaan Maxamed Yuusuf Qumane