Jubba: Tuulo-Barwaaqo Dib Ayaan U Qabsanay

Deegaankan ayaa waxaa dhowr maalmood ka hor qabsaday koox sheegtay inay ka go'een Al-Shabaab kuna biireen Daacish.

Taliyayaasha ciidamada amniga maamulka Jubbaland ee aagga Dhoobley ee Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ciidankoodu dib u qabsadeen deegaanka Tuulo Barwaaqo.

Deegaanka Tuulo-Barwaaqo, ayaa waxaa dhowr maalmood ka hor qabsaday maleeshiyo sheegay inay ka goosteen ururka Al-Shabab oo taageera ururka Daacish.

Korneel Haybe Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah taliyayaasha Jubbaland waxa uu sheegay in maleehsiyadaas ay dadka degaanka u sheegeen inaysan bixinin lacagaha zakada ee ururka Al-Shabaab ay ururiyaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii qabsaday Tuulo-Barwaaqo ay dadka deegaanka u sheegeen inay ku xiran yihiin kooxda Daacish.

Cabdiraxmana Xuseen Furre ayuu uga warramay sida ay dib ugu qabsadeen deegaanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Korneyl Haybe