Wareysi: Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland

Fartaag ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu xalinayo khilaafka ka dhashay isbeddel horay loogu sameeyey maamulkii Gedo.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inuu wado wada hadallo dhawaan ka dhacaya deegaankaas oo lagu xalinayo khilaafka ka dhashay isbeddel horay loogu sameeyey maamulkii gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Somalia, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini uu kaalin ka qaatay in arrintaas dhawaan shir laga yeesho.

Wariyeheena magaalada Kismaayo Khadar Maxamuud Xareed ayaa Cabdullaahi Fartaag marka hore wax ka weydiiyey socdaal uu xiliyadii dambe ugu maqnaa magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Fartaag