Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaradda Somalia Ee Washington Oo Dib Loo Furay


Calanka oo laga taagay safaaradda
Calanka oo laga taagay safaaradda

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in dalkii Soomaaliya uu dib usoo noqday.

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington DC ayaa ku dhowaad 25 sano kadib shalay galab dib loo furay, taasi oo si rasmi ah u billaabeysa xiriirka diblomaasiyeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Munaasabad dhacday ayaa calanka Soomaaliya dib laga taagay safaaradda Soomaaliya, ayada oo dadweyne badan oo Soomaali ah ay daawanayaan islamarkaana sacbinayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Cabdisalaam Hadliye, Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Ciise Cawad, Kaaliyaha Xogahayaha Arrimaha DIbedda Maraykanka ee Africa Linda Greenfield iyo wakiilka gobolka Minnesota u matala aqalka Wakiillada Mareykanka Keith Ellison ayaa goob jog ka ahaa furitaanka safaaradda.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in dib u furista safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ay astaan u tahay in dalkii Soomaaliya uu dib usoo noqday.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Safaaradda Somalia ee Washington oo dib loo furay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

XS
SM
MD
LG