Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa xaqiijiyey in, nin la tuhunsan yahay inuu ahaa abaabulihii ka dambeeyey weeraradii Jimcihii lagu qaaday magaalada Paris, lagu dilay howl booliiska ay fuliyeen Arbacadii.
Xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in meydka Abdelhamid Abaaoud oo xabado ay duleeliyeen laga dhex helay dhisme ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka Paris, oo booliiska ay weerar ku qaadeen shalay.
Abdelhamid Abaaoud oo ahaa 27 ama 28 jir u dhashay dalka Belgium, balse asal ahaan kasoo jeeday Morocco, ayaa waxaa meydkiisa lagu aqoonsaday faro laga qaaday.
Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu xiray howlgalkii shalay dhacay, waxaana sidoo kale ku geeriyooday haweeney isqarxisay iyo qof kale oo ay booliiska toogteen.
Francois Molins oo ah dacwad oogaha magaalada Paris ayaa sheegay in howlgalkii shalay lagu fashiliyey weerar kale oo kooxdan ay damacsaneyd inay ka fuliyaan magaalada Paris.