Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti Ka Socda Yurub Oo Tagay Baydhaba


Waftigan ayaa maamulka Koonfur Galbeed la saxiixday heshiis mashaariic looga fulinayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Wafdi ka socdey Midowga Yurub iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ujeeddada wafdigan ayaa lagu sheegay sidii Midowga Yurub ay dhanka bani’aadannimada uga caawin lahaayeen maamulka Koonur Galbeed ee Soomaaliya.

Intii ay joogeen magaalada Baydhaba waxa ay la kulmeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka mid ah wasiirrada Koonfur Galbeed iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo horey ugu sugnaa Baydhaba.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruusha oo shir jaraa’id Baydhaba ku qabtay ayaa sheegay in waftigan ay maamulka la saxiixdeen heshiis mashaariic looga fulinayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Labadan mashaariic oo qeyb ka ah mashaariic laga fulinayo Soomaaliya, ayaa sida uu Caruusha sheegay, waxaa Koonfur Galbeed uga soo aadaya 12 milyan oo dollar, waxaana ka faa’iidaysan doona laba boqol oo kun oo qof.

Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray Mukhtaar Catoosh.

Wafdi Tagay Baydhaba
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:42 0:00

XS
SM
MD
LG