Hoteelada Somalia Oo Hab Online Ah Aad Ku Kireysan Karto
Waa markii ugu horreysay oo hoteello ku yaalla Soomaaliya lagu kireysan karo Online, meel kasta oo aad dunida ka joogto.
WASHINGTON DC —
Hay’ad kuwa samaysa kireysashada internet-ka ee adeegyada ay ka midka yihiin dalxiiska iyo hoteellada ayaa sheegtay in markii ugu horraysay ay qandaraas la saxiixatay hoteel ku yaalla Soomaaliya.
Hay’addan oo lagu magacaabo Jovago, oo fadhigeeda Bariga Afrikana uu yahay magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay ka rajo qabto inay suuqaan kireysashada internetka ah ee hoteellada ay si weyn u ballaadhiso dhamamadka sanandkan.
Tan iyo markii ay hay’addan billowday in hoteello ku yaalla Soomaaliya ay dadka uga kireyso online-ka, waxaa sii kordhayey dadka online-ka ka kireysanaya hoteellada Soomaaliya.