Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Afghanistan Oo Ka Dibadbaxay Daacish


Dibad-baxayaasha oo sida naxashyo ay ku jiraan meydadka dadka la gowracay.
Dibad-baxayaasha oo sida naxashyo ay ku jiraan meydadka dadka la gowracay.

Dadku waxa ay aad uga carreysan yihiin 7 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin haween oo koox ku xiran Daacish ay gowarceen.

Kumanaan dad rer Afghanistan ah ayaa maanta ku dibad-baxay magaalada caasimadda Kabul, ayaga oo ka carreysan 7 qof oo saddex ka mid ah ay haween yihiin oo koox ku xiran Daacish ay gowraceen toddobaadkii tagay.

Dhibanayaashan, oo ah dad kasoo jeeda qowmiyadda shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee Hazara, ayaa waxaa la afduubtay bil kahor, waxana mas’uuliyiinta ay ka heleen meydadkooda oo madaxa laga wada gooyey gobolka Koonfureed ee Zabul axaddii tagtay.

Dibad-baxayaasha oo sida naxashyada ay ku jiraan meydadka ayaa qaaday waddooyinka magaalada Kabul, inkasta oo cimiladu qaboobeyd, roobna uu da’yay, ka hor inta aysan isugu soo ururin bannaanka xarunta madaxtooyada.

Waxay oranayeen hal kudhigyo ka dhan ah dowladda, waxaana ay dalbadeen ammaan iyo nabad-galyo ay helaan shacabka. Taleefishinnada dalka Afghanistan ayaa si toos ah u tabinayey mudaaharaadka.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay sidoo kale ku qeylinayeen “Daalibaan ha dhacdo” iyo “Daacish Ha dhacdo”.

Qaar ka mid ah dadka ayaa dalbaday in madaxweyne Ashraf Ghani iyo madaxa howlfulinta ee dalkaas Cabdallah Cabdallah ay is-casilaan, ayaga oo ku eedeeyey inay dayaceen dhibbanayaasha kadib markii la aduubtay.

XS
SM
MD
LG