Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 Nabaddoon Oo Lagu Dilay Galgaduud


Nabaddoonada la dilay oo dadaallo nabadeed ka waday Balan-Bale ayaa waxaa lagu weeraray waddada u dhaxeysa Balan-Bale iyo Guriceel.

Saddex nabaddoon ayaa lagu dilay laba kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii odayaal waday dadaallo nabadeed lagu weeraray waddada u dhaxeysa Balanballe iyo Guriceel ee gobolka Gal-Gaduud.

Labada oday ee dhaawaca ah ayaa lagu warramayaa in xaaladdoodu ay tahay mid liidata.

Odayaasha weerarka lagu qaaday, ayaa waxa ay wadeen dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beelood oo wada dega Balanballe oo ay kasoo noqdeen.

Odayaasha aayaa waxa ay sidoo kale wax kasoo dhiseen maamul dhowaan uu maamulka Galmudug u dhisay Balanballe.

Illaa iyo hadda lama garanayo cidda ka dambeysay weerarkan arxan darrada ah ee lagu dilay saddexda nabaddoon, islamarkaana lagu dhaawacay labada kale.

Sida uu u dhacay weerarkan ayaa Sahra Ciidle Nuur waxa ay ka waraysatay weriye C/kariim Axmed Bulxan oo ku sugan Balanballe lana socday sida ay wax u dhaceen.

Wareysi: Weriye Cabdikariim Bulxan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:09 0:00

XS
SM
MD
LG