Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda Pakistan oo dacwad ku soo oogaysa Imran Khan iyo 150 qof oo kale


Imran Khan
Imran Khan

ISLAMABAD - Saraakiisha dalka Pakistan ayaa xaqiijiyey in la diyaariyey tallaabooyin sharciga aflagaadada ee Pakistan u yaalla lagula tiigsanayo, ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo illaa 150 xubnood oo kale, hase ahaatee tallaabadaas ayaa loo arkaa inay tahay in dawladdu ay arrimaha diinta u adeegsanayso hab ay ku cabsi geliso dadka ay siyaasadda isku hayaan.

Eedaha aflagaaddada ah ee loo soo jeedinayo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ka dhashay, ka dib markii ay xujay u dhalatay dalka Pakistan ay ku oriyeen isla markaana ay hadalo deel-qaafa ku yidhaahdeen ra’iisal wasaaraha cusub ee Pakistan Shehbaz Sharif iyo wefti la socday oo booqasho ku joogay dalka Sucuudiga gaar ahaan masaajidka baraykaysan ee nebiga NNKH ee ku yaalla magaalada Madina.

Xujayda la sheegayo inay aflagaadeeyeen ra’iisal wasaaraha Pakistan ayaa lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga ra’iisal wasaaraha hore ee Pakistan Imran Khan.

Muuqaallo kala duwan oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad ku qaylinaya “khaa’imiinta” iyo “Tuugta”, xilli uu booqanayey ra’iisal wasaare Shariif, masaajidka Nebiga NNKH.

Maamulka Sacuudiga ayaa Jimcihii xaqiijiyay inay xidheen dhowr Pakistani ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhacdada.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo kaaliyayaashiisa ayaa iska fogeeyey eeddan iyaga oo ku tilmaamay inay tahay wax lagu qoslo iyo weliba natiijada ka dhalatay cadaadiska dadweynaha ee ay la kulmeen maamulka cusubi, xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka dhaqaalaha ee dalka Pakistan.

XS
SM
MD
LG