Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee xil-ka-qaadista ra'iisal wasaarihii Pakistan


Ra'iisal wasaaraha xilka laga qaaday ee Imran Khan
Ra'iisal wasaaraha xilka laga qaaday ee Imran Khan

PAKISTAN - Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa Sabtidii shalay u codeeyay in ra'iisul wasaare Imran Khan uu xilka ka dego, ku dhawaad afar sano kaddib markii uu xafiiska la wareegay.

Codbixinta ayaa ka bilaabantay golaha baarlamaanka, saqdii dhexe ee xalay, saacadda dalkaasi, daqiiqado yar ka dib markii dib markii afhayeenka golaha baarlamaanku Asad Qaiser oo ah xubin ka tirsan xisbiga talada haya ee Khan uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu xilka iska casilayo.

Qaiser ayaa ku casuumay xildhibaan sare oo ka tirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Ayaz Sadiq inuu shir guddoomiyo kulanka gaarka ah oo ay fadhiyeen 342-ka xubnood, isagoo sheegay inuusan ka qeyb qaadan karin "shirqool shisheeye" oo lagu ridayo ra'iisul wasaaraha. Ugu dambeyn, 174 xildhibaan ayaa u codeeyeen in kalsoonida lagala noqdo ra’iisal wasaaaha.

Haddaba Caasho Ibrahim Aden ayaa khadka taleefanka ee Islamabad kula xiriirta Aasiya Siciid Xasan oo ah ardayad cilmiga psychology-ga ka baratay magaaladaasi. Waxa ayna ugu horreyn weydiisay sida uu xaalka dalku yahay.

Wararkii ugu dambeeyey ee Pakistan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00
XS
SM
MD
LG