Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hindiya oo ka carootay booqashada Ilhaan Cumar ee Kashmir


Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congresska Maraykanka oo hareer fadhida Madaxweynaha Azad Kashmir Sultan Mehmood Chaudhry, xilli ay ku sugnay caasimadda gobolka Kashmir qaybta Pakistan, April 21, 2022.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congresska Maraykanka oo hareer fadhida Madaxweynaha Azad Kashmir Sultan Mehmood Chaudhry, xilli ay ku sugnay caasimadda gobolka Kashmir qaybta Pakistan, April 21, 2022.

ISLAMABAD — Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee Maraykanka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir qaybta ay maamusho Pakistan, waxayna ballan qaadday inay Washington ku riixi doonto inay fiiro gaar ah siiso gobolka lagu muransan yahay, hase ahaatee arrintaasi waxaa si weyn uga cadhootay dalka Hindiya oo dhaleecaysay.

Ilhaan Cumar ayaa weriyayaasha kula hadashay Muzaffarabad oo ay xarunta maamulka Kashmir qaybta Pakistan, ka dib markii ay booqasho naadir ah ku tagtay iyadoo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka.

"Ma rumaysni in arrinta [Kashmir] looga hadlo sidii loo baahnaa Congresska dhexdiida iyo xataa dawladda[Mareykanka] dhexdeeda," ayay tidhi Ilhaan Cumar, ka dib markii ay booqatay Khadka military-gu maamulo ama xadka kala qaybiya gobolka Kishmiir qaybta ay Hindiya maamusho iyo qaybta ay Pakistan ay gacanta ku hayso.

Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee haatan haya talada dalka Maraykanka, waxay u safartay dalka Pakistan si ay kulamo ula qaadato madaxda sare ee dalkaas.

“Arrinta ku saabsan Kashmir, waxaan hore ugaga hadalnay kulan ay yeesheen guddida arrimaha debedda [ee Congressku] si aan u eegno xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee halkaas ka jira” ayay tidhi Ilhaan Cumar oo warbaahinta la hadashay.

Hindiya ayaa beenisay eedaha muddada dheer socday ee la xidhiidh xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca qaybta ay maamusho. Hindiya ayaa la sheegaa inay gacan adag ku maamusho gobolkan iyada oo xakameeya inay gudaha u galaan goobjoogaasha ajnebiga ahi oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay.

Hindiya ayaa si degdeg ah u cambaaraysay booqashada ay Ilhaan Cumar ku tagtay gobolka Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho.

"Waxaan ogaanay inay [Ilhaan] booqatay qayb ka mid ah dhulka midowga Hindiya… oo ay hadda si sharci darro ah u haysato Pakistan," sidaas waxaa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Hindiya Arindam Bagchi oo shir jaraa’id qabtay.

Dalka Hindiya ayaa maamula saddex meelood laba meelood gobolkan ay muslimiintu u badan yihiin, halka inta soo hadhay ay gacanta ku hayso dalka Pakistan. Labada dal ayaa sheegta lahaanshaha gobolka Kashmir. Sannadkii 2019 waxaa dalka Hindiya uu soo afjaray tobanaan sano oo gobolkani lahaa ismaamul hoosaad iyada oo si toosa loo hoos geeyey dawladda dhexe ee dalkaas.

Warbixintan oo ay qortay VOA ayaa qaybo ka mida ayaa laga soo xigtay Reuters

XS
SM
MD
LG