Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda oo Go’aanno Soo Saartay


Xukuumadda oo Go’aanno Soo Saartay
Xukuumadda oo Go’aanno Soo Saartay

War saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aano ku saabsan dagaalka la soo saaray.

War saxaafadeedkan ayaa soo baxay ka dib markii sida la sheegay ay maanta shir aan caadi aheyn isugu yimaadeen golaha Wasiirada ee Xukuumada iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Shirkan ayaa looga dooday marxaladda nabadgelyada dalka iyadoo ugu horeyntiina uu Ra’iisul Wasaaruhu golaha Wasiirada ka siiyay warbixin guud isagoo sheegay in howlihii la xiriiray soo celinta amniga guud ee dalka ay meel wanaagsan marayaan.

Qodobada ugu muhiimsan ee ku xusan war saxaafadeedka xukuumadda ayaa kala ah sida hoos ku xusan:

1- Xukuumada Federaalka KMG ahi iyadoo la kaashaneysa caalamka in maraakiibta, doonyaha iyo gaadiidka kale ee dulka ee u sida badeeco nooc kasta ha ahaatee Khawaarijta Shabaab ee argagixisada ah in lala wareego, lana xiro dekeddaha Kismaayo, Baraawe, Marka iyo kuwa la midka ah.

2- In Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay u aqoonsatay kooxda Khawaarijta shabaab inay yihiin urur Argagixiso Caalami ah. Horjoogayaashooduna ay ka mid yihiin liiska Argagixisada caalamiga ah ee adduunku uu baadi goobayo.

3- In wadaniyiinta shacbiga Soomaaliyeed dibadda iyo gudaha ku nool ay qaataan xilkooda kaga aadan taakuleynta iyo horumarinta nabad soo celinta dalka hooyo iyo abaaraha.

4- In warbaahinta gudaha iyo dibadda ay dowrkooda ka qaaataan nabad soo celinta dalka.

5- In dhalinyarada la marin habaabiyay ee u dagaalanta kooxda Khawaarijta ee Shabaab in loo fidiyo cafis guud tan iyo bisha March 30-keeda, kuwii ka soo baxana in gacmo furan lagu soo dhoweyn doono iyagoo lagu gacan qaban doono horumarka mustaqbalkooda iyo sidii ay ku gaari lahaayeen nolol wanaagsan.

XS
SM
MD
LG