Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan lagu Aasay Muqdisho


Xildhibaan lagu Aasay Muqdisho
Xildhibaan lagu Aasay Muqdisho

Xildhibaan Khaliif Jire Warfaa oo xalay koox hubeysan ay ku toogteen agagaarka Masjidka Marwaas ee degmada Xamar weyne ayaa la aasay.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG ah oo xalay kooxo dablay ah ay Muqdisho ku dileen ayaa galabta lagu aasay, xabaalo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Khaliif Jire Warfaa waxa uu mudambe baarlamaanaan ahaa laga soo bilaabo dowladdii lagu soo dhisay degaanka Carta ee dalka Jabuuti iyo baarlamaanka KMG ah ee hadda jira ee Soomaaliya.

Marxuumka waxaa la toogtay xalay , daqiiqado ka dib markii uu k soo baxay masjidka Marwaas ee degmada Xamarweyne, halkaasoo ka mid ah goobaha ay dowladdu maamusho ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka la dilay, Khaliif Jire Warfaa waxaa la ii sheegay inuu ifka kaga tegay xaas iyo wiil da’diisa lagu sheegay 15 jir oo dhowaan ay Muqdisho wada joogeen, iyo shan caruur ah oo ay u deggan yihiin magaalada Jig Jiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

XS
SM
MD
LG