Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Jirta Somaliland


Somaliland waxaa jira xiisad siyaasadeed oo daba socota markii shalay ay is casileen in ka badan 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo mas’uuliyiin kale

Inkasta oo jawiga siyaasadeed ee Somaliland uu maanta u muuqdo mid degen haddana magaalada Hargeysa ayaa aad looga dareemayaa dhaq dhaqaaq siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta dalwdda oo shirar gooni gooni ah ku yeelanaya meelo kala duwan.

Arrintan ayaa daba socota markii shalay ay is casileen in ka badan 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo mas’uuliyiin kale, oo ka tirsanaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirada iscasilay ayaa waxaa ku jira xubno haye jagooyin sare iyo qaar aad ugu dhowaa madaxweyne Siilaanyo.

Hadaba Muxuu salka ku hayaa khilaafka keenay in masuuliyiintaasi ay xilalkooda iska casilaan?, Xurgufta ka dhex taagan xisbiga kulmiye saamayn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa xukuumada Madaxwayne Silaanyo, maxaase laga filankaraa qabsoomida shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu u balan san yahay 10 ka bisha November ee fooda innagu soo haysa?

Sahra Ciidle Nuur ayaa warbiixn ka diyaarisay arrintaas.

Dhageyso Xiisad Siyaasadeed oo ka jirta Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:00 0:00

XS
SM
MD
LG