Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA Oo Markab Dagaal U Dirtay Biyaha China


Markabka USS Lassen
Markabka USS Lassen

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa sheegay in ficillada markabka Mareykanka ay halis ku yihiin madaxbannaanida China.

Ayada oo loo arko inay tahay baratankii ugu xoogganaa ee ka dhan ah sheegashada China ee dhul ka baxsan xuduudaheeda, ayaa markab dagaal oo Mareykanka uu lee yahay waxa uu gaaray meel 22 KM u jirta jasiiradaha lagu muransan yahay ee macmalka ah ee Spratly.

Markabka USS Lassen ayaa waxaa wehliyey diyaaradaha dusha sare wax kale socda ee P-8A iyo P-3, waxaana ay gaareen jamalka Subi ee jasiiradaha Spratly, oo China ay haysato, balse sidoo kale ay sheegtaan dalalka Taiwan, Vietnam iyo Philippines.

Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa sheegtay in ay digniin xooggan siisay markabka, kadib markii uu “Si sharci darro ah usoo galay” biyaheeda.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa sheegay in ficillada markabka Mareykanka ay halis ku yihiin madaxbannaanida China.

Ilo-wareedyo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegay in howlgalkii lagu tagay biyaha China ay sheegato lasoo gebo gebeeyey ayada oo wax dhib ah uusan dhicin.

XS
SM
MD
LG