Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aragtida Puntland Ee Shabaab Ku Biiray ISIS


ISIS
ISIS

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in xubnaha Shabaab ay Daacish ugu biireen dhaqaale dartiis kadib markii ay Al-Qacida dhaqaalaha ka jaratay.

Mamaulka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay wararka sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugan Buuraha Goolis ay ku biireen ururka Daacish.

Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Cali “Qarjab”, ayaa sheegay in Daacish, Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ay gebigoodba yihiin ururo argagxiso oo aysan waxba isku dhaamin.

Qarjab waxa kale oo uu sheegay inuu maqlay warar sheegaya in Al-Qacida ay dhaqaalihii ka jarteen Al-Shabaab, islamarkaana ay xubnaha Shabaab ay Daacish ugu biireen dhaqaale dartiis.

Waxaa wasiirka warreystay Haaruun Macruuf.

Wareysi wasiirka amniga Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

XS
SM
MD
LG