Wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska dawladda Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cismaan oo ku sugan magaalada London oo nagu soo booqday Istuudiyaha VOA ee London ayaa sheegay in dhowaan wasaaraddiisu ay soo wado sharci lagu burburinayo dhismayaasha sharci darrada ah ee laga hirgeliyey dhulkii hantida guud ee dawladdu ay lahayd ee la dhistay wixii ka dambeeyay 1991-kii.
Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda ay qeyb ka tahay inay billaabeen dhismaha wasaaradda howlaga guud iyo wasaarado kale oo ka mid ah kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wariyaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa wasiirka warreystay.