Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Caafimaad ee Barakacayaasha


Xaaladda Caafimaad ee Barakacayaasha
Xaaladda Caafimaad ee Barakacayaasha

Warbixin ku saabsan xaaladda caafimaadeed ee dadka ka barakacay dagaallada Muqdisho.

Illaa iyo inta ay dagaalada culus ka socdeen magaalada mogadishu waxaa isa soo taraya dadka barakacayaasha kuwaasoo meelaha ay u barakaceen xanuuno faro badan iyo cudurro kala duwan kala kulmey.

Caafimaad darada ka jirta goobaha ay dadka u barakaceen iyo guud ahaan magaalada mogadishu waxay saameynta ugu weyn ku yeelatey dumarka iyo carruurta.

Xaruunta xannaano waxay ka midtahay goobaha bulshada qaybaheeda kala duwan loogu fidiyo adeegyada caafimaad gaar ahaan haweyn iyo caruurta .

Hinda Cumar waa hooyo ay ka xanuunsanyihiin laba caruura oo ay dhashay waxayna sheegtay in mudaa ay qabeen xanuubkaan hadana ay keentay xuruntaan caafimaad

Sidookale xuruntaan waxaa yimaada haween xanuunsan oo qaba xanuunno kala duwan waxaana inta badan ka muuqata xaalad nafaqadaro ah.

Drs.Faadima Xasaan Siyaad waxay ka howlgashaa xaruntaan caafimaad waxeyna qaabilsantahay haweenka waxayna VOA da uga warrantay cudurada ugu badan oo ay qabaan haweynka u yimaada.

Drs Faadima waxay intaa ku dartay in ay maalin kasta ay qaabilaan in ku dhaw 100 qof oo qaba cudurro kala duwan cisbitakana uusan aheen mid la seexiyo bukaanada balse ay siiyaan dawooyin iyo talo bixin.

Xaruunta Xanaano waxaa la’aas aasay sanadii 1993 waxaana taageera bisha cas ee Imaaraadka Carabta waa kan maamulaha guud ee xarunraan shariif maxa’ed abdalla oo sharxaya adeegyada ay qabteen mudadii ay jirtay xuruntaan.

Goobaha caafimaad waxaa buux dhaafiyay dad qabaa xanuuno oo u babadan haween iyo caruur waxaana dhaqaatiita ay sheegayaan in cuduradan ay ka dhasheen xaalada nafaqa darada ee haysata bulshada qaybaheeda kal duwan taas oo inta badan katimid dagaalada ku habsaday dadka Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG