Isku xirrada

War Deg-Deg ah

England iyo USA Oo Isla Dhaafi Waayey 1 - 1


Waddamada England iyo Maraykaanka ayaa isla dhaafi waayey barbar-dhac 1 - 1 ah maalintii labaad ee tartanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka.

Ciyaarta dhexmartay England iyo Maraykanka ayaa ka ku bilaabat si qabow. Goolka waxaa ku hormaray dalka England waxaana daqiiqaddii 3-aad u saxiixay ciyaaryahanka Steven Gerard oo u xiyaara kooxda Liverpool.

Hase yeeshee dalka Maraykanka ayaa helay goollka bar-bar dhaca daqiiqaddii 40-aad kadib markii ciyaaryahanka u ciyaara kooxda Fulham ee Clinton Dempsey kubbad uu ku laagay goolka England ay ka rabaxsatay goolhayaha England Robert Green oo u ciyaara kooxda West Ham.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa labada dhinacba ay u suurtogeli weyday inay gool dhaliyaan. Ciyaartan ayaa ka dhacday magaalada Rustenburg.

XS
SM
MD
LG