Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Beeraha: Xilka la igama Qaadi karo


Max’ed Max'ud Xaaji Ibraahim oo ah R/wasaare kuxigeenka ahna wasiirka beeraha ee xilka laga qaaday ayaa wareysi gaar ah oo uu idaacaddan VOA siiyay wuxuu ku diiday go'aanka xilka looga qaaday.

Max'ed wuxuu sheegay inay sharci darro tahay in xilka laga qaado isla markaana aysan talaabadan waafaqsaneyn axdiga KMG.

Max'ed wuxuu sheegay inuu u malaynayo in sababta xilka looga qaaday ay la xiriirto wareegtadii dhawaan ka soo baxday xafiiskiisa ee aqoonsiga looga noqday maamulka Khaatumo, wuxuuse intaasi ku daray in wareegtadaasi uu wax ka ogaa sida uu hadalka u dhigay Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Max’ed Cali.

Hadalkan wasiirka ayaa waxaa ka horreeyey go'aan ka soo baxay in kabadan 50 xildhibaan oo ku shiray guriga guddoomiyaha baarlamaanka kuwaasoo iyaguna qaadacay xilka qaadista lagu sameeyay wasiirka.

Wasiirka ayaa xilka looga qaaday kaddib markii lagu eedeeyay inuu shaqadiisa gudan waayay.

Wareysiga wasiirka ka dhageyso qeybta hoose.

XS
SM
MD
LG