Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysiga Madaxweynaha cusub ee Somaliland


Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa wareysi khaas ah siiyay VOA daqiiqado kadib markii uu maanta xilka la wareegay.

Wareysigan khaaska ah ee madaxweyne Axmed Siilaanyo siiyay weriyaheena C/salaam Hereri daqiiqado kadib markii uu xilka la wareegay, wuxu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida nabadgelyada leh ee ay u dhacday xafladda xil-wareejinta.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu u mahadceliyay boggaaadiyay guddiga doorashada oo si habsami leh u maareeyay doorashadii madaxtinimada, isagoo sidoo kalena u mahadceliyay dadka Somaliland sidii ay uga qeybgaleen doorashadaasi.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhisi doono xukuumadda cusub ee ay yeelanayso Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo isna wareysi kooban siiyay weriyaheena Sahra Ciidle Nuur ayaa ka warramay dareenkisa ku saabsan xilka uu kala wareegay madaxweyne-kuxigeenkii hore ee Somaliland.

Wareysiyada madaxweyne Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Seylici, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG