Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Hooyada Wiil lagu Dilay London


Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Osaama Maxamed Cali, waxaana loo adeegsaday mindi, waxaana uu ahaa 17 jir, sida hooyadiis Sacdiya Aden Barre u sheegtay VOA

Xaafadda Acton oo ka tirsan magaalada London ee dalka Britain oo dadka Soomaalidu ay ku badan yihiin ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay will Soomaaliyeed oo 17-sano jir ah.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Osaama Maxamed Cali, waxaana loo adeegsaday mindi.

Sacdiyo Aden Barre oo ah hooyada dhashay wiilkaasi oo maanta ay u suuragashay in ay soo aragto maydka wiilkeeda, ayaa VOA-da u sheegtay in wiilkeeda ay dileen laba wiil oo mid Afghani uu ahaa, kan kalena uu kasoo jeedo dalalka Caribbean-ka.

Sida ay sheegtay hooyo Sacdiyo, labada wiil ee dilka geysatay ayaa waxaa qabtay booliiska, balse Illaa iyo hadda lama garanayo sababta ay labadan wiil u dileen wiilkeeda.

Hooyo Sacdiyo waxa ay sheegtay in wiilkan hadda ka hor la isku dayey in la dilo, ayada oo mindi lagu dhuftay 10 goor taasi oo gaarsiisay dhaawac xooggan, balse uu ka kacay.

Wariyaha VOA ee London Ridwaan Haji Cabdiwali ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Sacdiyo Aden Barre oo ka warreystay dhacdadan xannuunka badan.

Wareysi: Hooyo Sacdiya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00

XS
SM
MD
LG