Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa Laga Filayaa Shirka Madasha?


Madasha wadatashiga
Madasha wadatashiga

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, Cabdirashiid Maxamed Xiddig, ayaa VOA-da uga warramay waxa laga filan karo shirka madasha wada-tashiga oo maanta lasoo geba gebeynayo.

Waxaa maanta lagu soo gaba gabeynayaa magaalada Muqdisho shirkii koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay halkaas, iyadoo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed.

Illaa iyo hadda waxaa muuqda ee la ogyahay ee shirkaasi lagu gaaray, waa in madaxdu ay ku celcelinayaan ka go’naanshahooda wada tashiggan ku aadan aayaha Somalia iyo halka loo gudbayo sanadka 2016-ka.

Madashan ayaa lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaareen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa shirkan iyo waxa laga filan karo ka warreystay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Wareysiga Xiddig
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

XS
SM
MD
LG