Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalkii Beledweyne Oo La Qaboojiyey


Beledweyne
Beledweyne

Iska horimaadkii shalay oo 14 qof ay ku geeriyoodeen 21 kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa ka dhashay gaari xamuul ah oo ay laba maleeshiyo beeleed isku qabteen.

Xaaladda magaalada Baledweyne ayaa maanta degan kadib dagaalkii shalay ka dhacay xaafadda Howlwadaag oo ay ku dhinteen 14 qof, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la dhigay goobihii ay shalay dagaalada ka dhaceen, si ay u kala dhex galaan maleeshiyadii dagaalka uu dhex maray.

Sidoo kale beelihii ay maleeshiyooyinkooda dagaalka dhex mareen iyo odayaal kale ayaa la kulmay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif, si xal buuxa looga gaaro dagaalka, waxaana la sheegay inay nabadda aqbaleen.

Iska horimaadkii shalay oo 14 qof ay ku geeriyoodeen 21 kalena ay ku dhaawacmeen ayaa ka dhashay markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabteen gaari xamuul ah, oo mid ka mid ah labada maleeshiyo beeled ay dalbatay in canshuur laga siiyo, halka kooxdii kalena ay ku gacan seertay.

Weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warkan noo soo diray.

Xaaladda Magaalada Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:53 0:00

XS
SM
MD
LG