Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Iyo Russia Oo Heshiis Saxiixanaya


Russia US
Russia US

Labada dal ayaa howl-gallo ka dhan ah Daacish ka wada Syria, waxaana jirta cabsi laga qabo in diyaaradahooda ay isku dhacaan, taasi oo heshiiskan uu ka hortagi doono.

Mareykanka iyo Ruushka ayay u eg tahay inay saxiixan doonaa heshiis afgarad oo ku saabsan ammaanka hawada dalka Syria, sida uu ku warramy xafiiska gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

“Waxa iminka harsan waa erayada lagu qorayo heshiiska iyo in warqadaha la saxiixo, marka aad buu u dhow yahay heshiiska” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay pentagon-ka, kabtan Jeff Davis.

Davis waxa uu carabka ku adkeeyey in heshiiskan oo ku saabsan sidii si nabad-galyo leh ay labada dal uga howl gali lahaayeen hawada Syria, aanu macnihiisu ahayn in labada dal ay isku biirinayaan howlgalladooda Syria.

Waxa uu sheegay in ujeedka kaliya ee heshiiskan uu yahay in laga hortago in diyaaradaha labada dal ay isku dhacaan, marka ay ka howlgalayaan hawada Syria.

Labada dal ayaa dalka Syria ka fuliyey weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah kooxda Daacish, inkasta oo Ruushka horey loogu eedeeyey inay beegsadeen kooxaha kale ee ka dagaalama Syria, oo qarakood uu Mareykanka taageero.

XS
SM
MD
LG