Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Gargaarka Daahay ayaa Keenay Dhimashada Badan


Warbixin: Gargaarka Daahay ayaa Keenay Dhimashada Badan
Warbixin: Gargaarka Daahay ayaa Keenay Dhimashada Badan

Hay’addaha gar-gaarka ayaa sheegay in kumanaan dad ah ay ku dhinteen dhibaatadda cunto ee ka dhalatay abaaraha geeska Afrika, iyadoo taasina ugu wacnad beesha caalamka oo sugtay inay jawaab bixiso ilaa cunto-yaraartu ay gaartay heer de-deg ah.

Warbixin ay maanta oo Arbaco ah soo saareen hay'addaha Oxfam iyo Save the Children ayaa lagu sheegay in cunto-yaraanta gobolka ka jirtay la soo wariyay bishii August 2010, laakiin deeq bixiyayaashu ay ku guuldareysteen inay jawaab bixiyaa ilaa iyo intii macluusha lagaga dhawaaqay qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya sannadkii ina dhaafay.

Barbara Stocking oo madax u ah hay'adda Oxfam ayaa war-qoraal ah ku sheegtay in dhibaatada kumanaan ah caruur ah la soo gudboonaatay la baajin karay haddii beesha caalamku ay jawaab ka bixin lahaayeen wakhtigii calaamadaha abaarta ay markii ugu horreysay soo muuqdeen.

Warbixinta Oxfam iyo Save the Children ayaa sheegtay inaysan macquul ahayn in la ogaado inta qof ee lagu waayay abaarta, laakiin warbixintu waxay so xigatay dowladda Britain oo sheegtay in inta u dhaxeysa 50, kun iyo 100 kun ay dhinteen intii u dhaxeysay bishii April iyo August 2011.

Warbixintu waxay sheegtay in in kabadan kala badh dadka dhintay ay ahaayeen caruur da’doodu ka hooseyso 5 sanno oo dhamaantoodna ay ku sugnaayeen dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in geynta biyaha deg-dega ah ee meelaha abaarta ama macluushu ku dhuftatay ay saddex jeer ka qaalisanayd 900 kun oo ay ku kici lahayd in lagu diyaaro illo biyo laga helo oo gobolka looga sameeyo abaarta soo socotay.

Warbixintan ayaa ku boorisay beesha caalamka inay sida ugu dhaqsiyaha badan talaabo u qaadaan si looga baaqsado masiibo ka dhacda galbeedka Afrika, halkaasoo warbixinu sheegtay in dhibaato cunto oo soo muuqanaysaa ay halis ku tahay inay saameyso malaayiin qof.

XS
SM
MD
LG