Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka socda QM oo Tagay Muqdisho


Форт-Мід. Протестувальники вимагають звільнити Меннінга. "Бредлі Меннінг - мій герой", - говорить плакат.
Форт-Мід. Протестувальники вимагають звільнити Меннінга. "Бредлі Меннінг - мій герой", - говорить плакат.

Valerie Amos, kuxigeenka Xoghayaha guud ee QM ee Arr. bini'aadanimada ayaa booqasho ay ku eegayso howlaha gurmadka ku tagtay Muqdisho.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayso Valerie Amos, kuxigeenka Xoghayaha guud ee QM ee Arr. bini'aadanimada iyo isku-duwidda gar-gaarka deg-deg ah ayaa booqasho ay ku eegayso siday u socdaa howlaha gurmadka ku tagtay Muqdisho.

Wafdiga ayaa la kulantay madaxda dowladda KMg oo uu ku jiro raisal-wasaare C/weli Max'ed Cali.

Valerie Amos, waxay sheegtay inay doonayso inay ogaato heerka saameynta macluusha iyo abaarta Somalia, iyo waliba hababka Qaramad Midoobay iyo hay'addaha kaleba ay kor ugu qaadi karaan howlaha gurmadka ee lagu caawinayo dadka baahidu hayso.

Valerie Amos waxay sheegtay inay madaxda Soomaalida kala hadashay kor u qaadida nabadgelyada oo ay xustay inay muhiim tahay si loo sii wado korna loogu qaado gaadhsiinta gar-gaarka.

XS
SM
MD
LG