Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi Caalami ah oo Gaadhay Muqdisho


Madaxa wafdiga, Charles Petrie.
Madaxa wafdiga, Charles Petrie.

Wafdi caalami ah oo uu hoggaaminayo ku xigeenka wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia, Charles Petrie, ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha dowlada KMG ah Sheekh Shariif Axmed, Ra’iisul wasaare Sharmarke, iyo golahiisa wasiirrada, waxana ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid yihiin amniga, dib udhiska hey’adaha dowladda iyo taageerida dhanka dhaqaalaha iyo waxyaabaha looga fadhiyo dowladda muddada u harsan.

Wasiiru dowlaha Qorsheeyna iyo Iskaashiga Caalamiga Prof.Abdullahi Sheekh Ali Qalloocow, ayaa VOA-da ugu warramay ujeedada wafdiga iyo waxyaabaha ay isla soo qaadeen.

Waxaana uu sheegay in wafdigani kulamo hore oo ka dhacay Nairobi, waxaana ujeedada booqashadu ahayd sidii looga wadahadli lahaa qaabka dib loogu soo dhisi karo dhaqaalaha Somalia.

Booqashadan ayaa gogol xaadh u ah kulan caalami ah oo ku saabsan dib u dhiska dhaqaalaha Somalia.

XS
SM
MD
LG