Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Waan Tijaabinaynaa al-Shabaab


USA: Waan Tijaabinaynaa al-Shabaab
USA: Waan Tijaabinaynaa al-Shabaab

Maraykanka ayaa sheegay inuu tijaabinayo al-Shabaab, sida ay u rajeyneyso in goobaha ay ka taliso la gaarsiiyo gargaarka caalamiga.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay tijaabineyso sida ay al-Shabaab u daneyneyso in gargaarka caalamiga ah la gaarsiiyo goobaha ay ka taliso, halkaasoo ay macluul iyo gaajo ku hayso malaayiin Soomaali ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka Hillary Clinton ayaa ayaa shalay guddoomisay kulan ay yeesheen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo xubno ka socda hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta caalamiga ee USAID.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa sheegtay in xoghaye Clinton ay amar ku bixisay in la diyaariyo jawaab Maraykanku uu ka bixiyo dhibaatada abaareed ee laga soo sheegayo geeska Africa, si looga hortago ayay tiri inay dhacdo masiibo la mid ah tii dhacday horraantii 1990maadkii.

Victoria Nuland ayaa sheegtay in abaartu ay ku barabaxeen 1.5 milyan oo dad ah, dalalka Somalia, Itoobiya, iyo Kenya. Waxayna sheegtay in Maraykanku uu haatan bilaabay inuu diyaariyo sahay gargaar ah oo laga jawaabayo macluusha soo wajahday dadkaasi.

XS
SM
MD
LG