Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Soomaali lagu soo oogay Burcadabdeednimo


USA: Soomaali lagu soo oogay Burcadabdeednimo
USA: Soomaali lagu soo oogay Burcadabdeednimo

Maraykanka ayaa eedeeyn burcadbadeednimo ah ku soo oogay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cali.

Maraykanka ayaa ku soo oogtay nin Soomaali ah inuu kaalin ku lahaa gorgortan madaxfurasho, sanadkii 2008-dii markaasoo koox burcadbadeed ihi ay afduub ku haysteen markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Denmark, kaasoo la afduubtay isagoo marayay gacanka cadmeed.

Wasaaradda caddaaladda ee dalkan Maraykanka ayaa sheegtay in ninka lagu magacaabo Cali Maxamed Cali lagu eedeeyay khiyaano si uu u geysto fal burcadbadeednimo.

Sida ku cad qoraal ay soo saartay wasaaradda caddaaladda ee dalkan Maraykanka, Cali waxaa maalintii Arbacada ahayd laga qaqbtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ee Washington ku dhow ee Dulles ee gobolka Virginia. Ninkaasi wuxuu ku noolaan jiray dalka Soomaaliya.

Dacwadda lagu soo oogay Cali waxay leedahay in isaga iyo burcadbadeed kale ay maleegeen si loo afduubto markab Danish meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, bishii November sanadkii 2008-dii.

Wuxuu qoraalka dacwadduu sheegayaa in Cali uu si ula kac ah u fuulay markabka, ka dibna uu ka dalbaday mulkiilayaasha markabka inay bixiyaan madaxfurasho gaareysa $7 milyan oo dollar.

Horraantii bishan, Maxkamad Maraykan ah waxay 25 sano oo xarig ah ku xukuntay muwaadin kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Jaamac Iidle Ibrahim, ka dib markii lagu eedeeyay inuu isku day burcadbadeednimo.

XS
SM
MD
LG