Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UN: Eritrea Hub Ma Siinin Al-Shabab


UN: Eritrea Hub Ma Siinin Al-Shabab
UN: Eritrea Hub Ma Siinin Al-Shabab

Guddiga Cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay inaysan haynin caddayn ku filan oo xaqiijinaysa in dawladda Eritrea ay sannadkii hore hub u dirtay ururka Al-Shabab.

Guddiga Cunqabataynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritriya ayaa sheegay inaysan haynin caddayn ku filan oo xaiqijinaysa in dawladda Eritriya ay sannadkii hore hub u dirtay ururka Al-Shabab.

Warbixin hordhac ah oo ay guddigan u direen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku sheegeen in baadhitaanka ay sameeyeen ay tusinayaan in duulimaadyada la sheegay in magaalada Baydhaba lagu geeyey hub bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay aanay jirin.

Dawladda Kenya ayaa xilligaais ka dacwootay dawladda Eritriya oo ay ku eedaysay inay hub u dirtay ururka Al-Shabab, eedayntaasi oo mar walba ay Eritriya beenininaysay.

Bishii November ayaa dawladda Kenya waxay ka dacwootay in Eritriya ay hub hawada u marisay ururka Al-Shabab, hubkaasina uu ka degay magaalada Baydhaba. Xiriiriyaha Guddiga cunabataynta Soomaaliya iyo Eritriya Matt Bryden ayaa VOA u sheegay in warbixin bil-leh ah oo uu qoray ay ku waayeen caddaymo ku saabsan hubkaasi inuu u tagay Al-Shabab.

Dhinaca kalena, Matt Bryden oo ka jwaabayey su'aal ahayd in dawladda Soomaaliya ay u gudbisay dad la sheegay inay "carqalad"ku yihiin nabadda Soomaaliya, waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo inay heleen iyo in kale liiskaasi, waxaase uu sheegay in guddiga waajibaadkiisa ay ku jirto inay si madaxbannaan u baadhaan musuqmaasuqa iyo shaqsiyaadka boqon-goynaya hay'adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Hoos ka dhagayso waraysiga Matt Bryden

XS
SM
MD
LG