Ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee la magaacabay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka.
Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya bishii April 1962-dii.
Wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho.
wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000.
Shaqooyin kala duwan ayuu soo qabtay oo ay ka mid tahay dhanka xuquuqda aadamaha.
Isagoo agaasime guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii ilaa wakhtigan uu ka shaqeynayay.
Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee ee dalka Maraykanka sanadihii 1986-dii ilaa 1989-kii.
Intii uu burburku dhacay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu inta badan ku noolaa dalkan Maraykanka, mana ahayn nin Soomaalidu ay inta badan magaciisa maqli jirtay, balse waa nin masraxa siyaasadda ku cusub.
Ra'iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay waxa uu inta badan noloshiisa ku soo qaatay qurabaha, gaar ahaan dalkan Maraykanka.