Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqyada Dhaqaalaha oo Dib Usoo Kabanaya


Suuqa Saamiyada Hong Kong. Aug. 27, 2015.
Suuqa Saamiyada Hong Kong. Aug. 27, 2015.

Suuqa saamiyada Japan ee Nikkei ayaa kusoo xirmay korar boqlkiiba saddex ah, halka kan Shanghai uu helay 4.8 boqolkiiba, maalin kadib markii uu kusoo xirmay shan boqlkiiba.

Suuqyada dhaqaalaha Asia ayaa maanta oo jimce ah sii waday dib usoo kabashadooda xowliga ah, balse kuwa qaaradda Yurub ayaa u muuqda kuwo si tartiib ah u socda.

Suuqa saamiyada Japan ee Nikkei ayaa kusoo xirmay korar boqlkiiba saddex ah, halka kan Shanghai uu helay 4.8 boqolkiiba, maalin kadib markii uu kusoo xirmay shan boqlkiiba.

Suuqyada kale ee dalalka dhaca badweynta Pacific-ga, ayaa sidoo kale sare u kacay, marka laga reebo suuqa Hong Kong ee Hang Seng, oo hoos u dhacay boqolkiiba hal.

Dhinaca kale, Suuqyada muhiimka ah ee Yurub ayaa si yar hoos ugu dhacay maanta, maalin kadib markii ay sare u kacen saddex boqolkiiba.

XS
SM
MD
LG