Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Austria: Meydadka 50 Muhaajiriin oo la Helay


Baabuurka meydadka laga helay
Baabuurka meydadka laga helay

Illaa 50 qof oo muhaajirin ah ayaa meydkooda laga heley gaari kuwa xamuulka qaada ah meel u dhow magaalada Parndofr ee Austria maanta oo Khamiis ah.

Illaa 50 qof oo muhaajirin ah, ayaa meydkooda laga heley gaari kuwa xamuulka qaada ah, meel u dhow magaalada Parndofr ee Austria, maanta oo Khamiis ah.

Booliska, ayaa gaarigaasi ka heley xadka uu la wadaago dalkaas Austria waddanka Hungari, lamana sheegi karo illaa iyo hadda waxay dadkasi u dhinteen.

Boolisku sidoo kale garaneyn tirada rasmiga ah ee dadkaas dhintay, hasa yeeshe waxa la leeyahay waa in ka badan illaa iyo 50 ruux.

Dhawanahanba waxa badanayay qulqulka muhaajiriinta ka cararaya dalalka ay dagaallada ka socdaan ee bariga dhexe, kuwaas oo nolol ka raadinaya waddamada Yurub.

XS
SM
MD
LG