Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Dishay oo Laba Janaraal oo Sare


Gaari Milatari oo ay lee yihiin ciidamada Ciraq (File Photo)
Gaari Milatari oo ay lee yihiin ciidamada Ciraq (File Photo)

Major General Abdul-Rahman Abu-Regheef, oo ah taliye ku xigeenka madaxa howlgalada Anbar, iyo General Safeen Abdul Maguid, oo ah madaxa cutubka tobanaad ee ciidamada Ciraq, ayaa la dilay.

Ismiidaamiye ka tirsan kooxda Daacish ayaa baabuur waxyaabaha qraxa laga buuxiyey ku dhuftay kolnyo ay la socdeen ciidamada dalka Ciraq, halkaasi oo uu ku dilay laba taliye oo sare.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa uu khamiista maanta ah ka dhacay waqooyiga magaalada Daacish ay haysato ee Ramadi ee gobolka Anbar, halkaasi oo ciidamada xukuumadda Baghdad ay kula dagaalamayaan kooxda Daacish.

Major General Abdul-Rahman Abu-Regheef, oo ah taliye ku xigeenka madaxa howlgalada Anbar, iyo General Safeen Abdul Maguid, oo ah madaxa cutubka tobanaad ee ciidamada Ciraq ayaa ka mid ahaa dadka geeriyooday, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay milatariga Ciraq.

Tiro dad kale ah oo aan la cayimin, ayaa sidoo kale weerarka ku geeriyooday.

XS
SM
MD
LG