Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dilay 15 Qof oo ka Dhacay Gedo


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Xubnaha geeriyooday waxaa ku jira guddoomiye ku xigeenka Beledxaawo, taliyihii saldhigga booliiska Doolow Cabdi Howsar, sarkaalka oo sare iyo ciidamo kale.

Dagaal khasaare badan dhaliyey oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay tuulada Libaaxlow oo u dhaxeysa Tuulo Barwaaqo iyo Beledxaawo oo ka tirsa gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada dowladda ay qaadeen weerar ay doonayeen inay ku furaan jidka isku xira Beledxaawo iyo Garbahaarey.

Waxaa la xaqiijiyey in dagaalka ay ku geeriyoodeen 15 qof, oo 12 ka mid ah ay yihiin dhinaca dowladda iyo Saddex Al-Shabaab ah. Warar kale ayaa sheegaya in tirada ay intaas ka bada

Xubnaha geeriyooday waxaa ku jira guddoomiye ku xigeenka Beledxaawo, taliyihii saldhigga booliiska Doolow Cabdi Howsar, sarkaalka oo sare iyo ciidamo kale.

Kooxda Al-Shabaab waxaa dadka laga dilay ku jira taliye sare oo lagu magacaabo Aadan Cakood.

Sahra Abdi Ahmed ayaa arrintan ka wareysatay Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan Bakaal oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Gedo.

Wareysi: Dagaalka Gedo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00

XS
SM
MD
LG