Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo Qaxooti Badan Qaabileysa


Qaxooti Syrian ah oo ka degaya garoonka Hannover, Germany (File Photo)
Qaxooti Syrian ah oo ka degaya garoonka Hannover, Germany (File Photo)

Dawladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay qaabilayso dhammaan qaxootiga ka yimaada dalka Syria ee gaadha dalkaas.

Dawladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay qaabilayso dhammaan qaxootiga ka yimaada dalka Syria ee gaadha dalkaas.

Germany waxa ay sidoo kale sheegtay inay hakinayso ku dhaqanka heshiis hore ee u yaallay Midawga Yurub, kaasi oo dhigayay in qofka qaxootiga ah lagu celiyo dalkii ugu horeeyay ee uu ka galay Yurub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay sii kordheen dadka qaxootiga ah ee kasoo cararaya dagaalada Syria, kuwaasi oo bilihii ugu dambeeyey gaarayey dalkaas.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ka faa’iideysanaya dadka Soomaalida ah ee tagaya Jarmalka, inkasta oo ayaga aan sharci siintooda loo dedejin sida kuwa ka imanaya dalka Syria.

Si aan faahfaahin uga helno arrintan, ayaan khadka tilifoonka ee magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka kula xidhiidhay C/rashiid Shariif Cali oo ka mid ah dadka ka shaqeeya arrimaha qaxootiga kana tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Germany.

Wareysi: Qaxootiga Germany
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG