Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo laga xusay Maalinta Cudurka HIV/Aids


Soomaaliya oo laga xusay Maalinta Cudurka HIV/Aids
Soomaaliya oo laga xusay Maalinta Cudurka HIV/Aids

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO waxay sheegtay in dad ka badan 30 milyan ay qabaan cudurka HIV/Aidska.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta loo aqoonsaday cudurka dilaaga ee HIV/Aids ayaa meelo badan oo caalamka ahi lagu qabtay xaflado dadka lagaga wacyigelinayo khatarta cudurkan dilaaga ah.

Magaalooyinka lagu qabtay xafladaha la xiriira wacyigelinta halista cudurkan HIV/Aids waxaa ka mid ah Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Boosaaso iyo Nairobi.

Waxaana xafladaasi ka hadlay mas’uuliyiin Soomaali ah oo qaarkood aqoon ballaaran u leh khatarta cudurka iyo culimaa’uddiin.

Waxaa kaloo VOA-du ay wareysiyo la yeelatay dad uu ku dhacay cudurka HIV/Aids oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasoo qirtay inay qabaan cudurkan isla markaana ka wacyigeliya dadka sida looga hortegi karo.

Waxaana munaabadihii la xiriiray cudurka HIV/Aidska dadka loogu baaqay in la daryeelo, ixtiraamo isla markaana aan la takoorin dadka qaba cudurka HIV/Aids.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO waxay sheegtay in dad ka badan 30 milyan ay qabaan cudurka HIV/Aidska.

Qeybtan hoose ka dhagayso wareysi ay VOA la yeelatay haweenay Soomaali ah oo qabta cudurka AIDS oo ka hadlaysa sida uu cudurkaasi ugu dhacay.

Qeybtan hoose ka dhagayso Warbixinno ka hadlaya munaasabaddo ka dhacay Muqdisho, Garoowe iyo Nairobi oo lagu xusayo maalinta cudurka AIDS-ka

XS
SM
MD
LG