Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliland Cabdullaahi Jaamac Cismaan ayaa sheegay inay diidan yihiin oo ka walaacsan yihiin ciidamada ay Puntland tababarayso, taasoo uu sheegay inay jebineyso cunoqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.
Inka badan 200 oo askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Puntland ayaa maanta tababar uga furmay magaalada Boosaaso. Ciidanka maanta tabbaarkan loo furey ayaa ah qeybtii labaad ee ciidamo ka tirsan Puntland oo tababarkan ka qeybgalaaya
Xiriiriyaha hawlaha tababarada ee maamulka Puntland Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ayaa VOA-da u sheegay in tababarkan uu yahay mid Puntland ay ku tababareyso ciidamadeeda, lana gaarsiin doono inka badan 1,000 askari.
Waxaa uu sheegay in hawlaha tababarada ay ka caawineyso shirkad ajnabi ah.Wuxuu sheegay in ciidanka la barayo xirfadaha kala duwan ee ciidamada.