Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Markab India oo la Afduubtay


Somalia: Markab India oo la Afduubtay
Somalia: Markab India oo la Afduubtay

Saraakiisha Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya lagu haysto 28 markab.

Saraakiil ku sugan dalka India ayaa sheegay in burcadbadeed Soomaali ahi ay afduub u geysteen markab laga leeyahay dalka India oo ay la socdeen 14 shaqaale ah, meel ka baxsan xeebaha dalka Cummaan.

Saraakiishu waxay sheegeen in afduubkaasi uu Axaddii ka dhacay meel ku dhow dekedda magaalada Salalah ee dalkaasi Cummaan.

Ma cadda weli in burcadbadeedu ay dalbatay madaxfurasho iyo inkale.

Tan iyo bishii December 25-keedii, burcadbadeedda Soomaalida waxay afduubteen 5 markab, oo ay ku jiraan labo ay ka afduubteen meel ka baxsan xeebaha dalka Cumaan.

Xoogagga Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeedda waxay sheegeen in burcadbadeedda Soomaalidu ay afduub ku haystaan 28 markab oo iyo shaqaale isku darkoodu uu yahay inka badan 650 qof.

Dhanka kale, caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, bileysku waxay sheegeen inay xireen 10 badmaax oo u dhshay dalka India kuwaasoo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah dhuxul uga rareen Soomaaliya.

Saraakiishu waxay sheegeen in raggaasi la xiray maalintii Talaadada ahayd ee todobaadkan.

Dowladda KMG ah ayaa mamnuucday in dalka laga dhoofiyo dhuxusha iyo qoynta dhirta. Balse dhuxusha ayaa ah il dhaqaale ay ka helaan dad badan oo ku nool dalka ay saboolnimadu la degtay.

XS
SM
MD
LG