Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Markab la sii Daayay


Somalia: Markab la sii Daayay
Somalia: Markab la sii Daayay

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa sii deysay markab laga leeyahay dalka Jarmalka, ka dib markii ay qaateen madaxfurasho.

Bucadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay sii daayeen markab xamuul qaada oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ka dib markii ay heleen malaayiin dollar oo madaxfurasho ah.

Markabkan la siidaayay oo lagu magacaabo MV Susan K iyo 10 shaqaale la socday waxaa afduub loo haystay tan iyo bishii April. Waxaana haatan la sheegay inay ku sii jeedaan dalka Jabuuti.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa sanadihii dhowaa afduubtay tiro badan oo maraakiib ah, iyagoona helay boqolaal milyan oo dollar oo madaxfurasho ah.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku s ugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay, in haatan burcadbadeedu afduub u haystaan ugu yaraan 30 markab iyo inka badan 650 shaqaalihii la socday.

XS
SM
MD
LG