Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo: Isbeddel ayaan dastuurka ku samayn doonaa


Axmed Maxamed Siilaanyo
Axmed Maxamed Siilaanyo

Axmed Maxamed Siilaanyo, musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ayaa Barnaamijkiisa Siyaasadeed ka Hadlay

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa maanta soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu uga qeyb gali doono doorashada madaxweynanimo ee la filayo inay dhawaan ka qabsoonto Somaliland.

Guddoomiyaha xisbigaas, Axmed Max'ed Maxu'd Siilaanyo, oo maanta la hadlay taageerayaashiisa, ayaa sheegay in xisbigu uu xoogga saari doono horumarinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka beeraha iyo kalluumeysiga.

Shirkan oo lagu casuumay 500 oo qof oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiyw, qaybaha bulshada iyo taageerayaasha Kulmiye, ayaa Siillaanyo oo ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye faahfaahin ka bixiyey qorshahooda doorasho.

Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay in qodob caqab ku ahaa in dhalinyaradu ka mid noqoto hanaanka siyaasadda uu beddeli doono haddii uu xilka madaxweynenimo qabto, qodobkaas ayaa qorayey in ruuxa xubinta ka noqonaya golloyaasha ay da’diisu ahaato 35, balse uu imika ka shaqeyn doonaan sidii dastuurka qodobkaasi looga beddeli lahaa loogana dhigi lahaa da'da 25 sano jir.

Waxa kale oo uu Siilaanyo sheegay in xisbigiisu haddii uu talada dalka qabto uu u ogolaan doono in xisbiyo kale ay kusoo biiraan hanaanka siyaasadeed ee waddanka. Ballan qaadkan ayaa hadda ka hor ka dhigay xisbigii Qaran ee la mamnuucay inuu ku biiro xisbiga Kulmiye.

XS
SM
MD
LG