Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Madasha Oo Dib Uga Furmay Muqdisho


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka, oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee Soomaaliya ku habboon.

Shirkan uu furay madaxweynaha, ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ka ah diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, ayaa horey u sheegay inay filayaan in go’aanka nooca doorashada Soomaaliya la gaaro ka hor 28-ka bishan, si loogu gudbiyo kulanka golaha ammaanka ee QM oo dhacaya xilligaas.

XS
SM
MD
LG