Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Xasan oo Guddoomiye loo Doortay


Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa maanta xildhibaanada Somalia waxay u doorteen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada guddoomiyaha oo ka dhacday xarunta guriga ummada ayaa waxaa maanta ka qeybgalay xildhibaanno gaaraya 388 xildhibaan.

Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa wuxuu wareegii ugu horeeyay ee codbixinta ku guuleystay codad gaaraya 217, iyadoo musharaxa ku xiga uu helay codad gaaraya 143.

Doorashadaasi kadib Shariif Xasan wuxuu xildhibaannada Soomaaliya ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Taariikh nololeedka Shariif Xasan

Shariif Xasan Sh Aadan Isaaq waxaa uu sanadkii 1946kii uu ku dhashay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub waxaa uu ahaa Ganacsade, isaga oo hawlaha ganacsiga bilaabay 1977kii bilowgii sideetamaadkii waxaa uu ahaa gancasde dhoofiya xoolaha sidoo kale waxaa uu ka ganacsan jiray qalabka dhismaha, iyo soo dejinta alaabada kale.

Bilowgii Sanadhii sagaashameeyadii waxaa uu Shariif Xasan asaasay Shirkad Qanadaraasyada ka qaadata Ha’yadaha qaramada midoobay isaga oo hawlaha ka bilaabay Gobolada Bay iyo Bakool .

Sanadkii labada kun ayay ahayd markii uu hawlaha siyaasadda u banbaxay isaga oo ka mid noqday xildhibaanadii lagu soo doortay Shirkii Carta .

Sanadkii labadii kun iyo afartii ayuu noqday guddoomiyaha baarlamaanka soomalia ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee Imbagaat, ee Kenya xilkaasi oo uu ku magacwnaa ilaa sanadkii 2007dii.

Ka hor wakhtigaasi gaar ahaan badhtamihii snadkii 2005tii ayay iska hor yimaadeen Madaxweyinhii talada haya ee Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo r/w Cali Maxamed Geedi.

Arrimaha ugu muhiimsnaa ee ay isku diiideen waxaa ka mid ahaa imnaayshaha ciidamadii Ethiopia iyo kulan uu la yeeshay madaxdiii Maxaakimta islaamiga ahayd.

Bishii January 17keedi, 2007 ayaa baarlamaanku u codeeyay in xilka laga qado waxaana la soo doortay wasiirkii Cadaalada oo ahaa Guddoomiyhii hore Sh Aaden Madoobe.

Sanadkii 2006dii ilaaa iyo 2008dii waxaa uu ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysigii lagu soo dhisay Asmara.

Xilkaasi oo uu haya ilaa wakhtigii la saxeexay heshiiskii Jabuuti oo uu nqoday wasiirka maaliyadda ee Dawladda midnimada qaran.

Guudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka ayaa VOAda u sheegay waxyaabaha uu mudnaanta siinayo.

Guddoomiye Shariif Xasan Sh Aden ayaa doorashadiisu ku soo hagaagaysaa wakhti xasaasi ah, iyada oo ay jiraan weeraro xooggan oo ay waddo kooxda Al Shabaab .

Waxaana uu dhaxlay mashaakillo siyaasadeed oo uu ugu horeeyo baarlamaan ay khilaafadyo hadheeyeen, iyo dhibaato ammaan oo dalka ka jirta iyo waliba wakhti ku dhow sannad iyo dhowr bilood oo ka hadhsan jirtaanka Dawladda lagu soo dhisay shirkii Jabuuti.

Waraysiga guddoomiyaha iyo warbixinno la xidhiidha ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG