Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaale Ajanabi ah oo Gaalkacyo laga Afduubay


Shaqaale Ajanabi ah oo Gaalkacyo laga Afduubay
Shaqaale Ajanabi ah oo Gaalkacyo laga Afduubay

Niman hubeysan ayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo ku afduubtay laba shaqaale ajanabi ah uu shaqeynayay hay'ad miinada baadha oo laga leeyahay dalka Denmark.

Labadan shaqaalaha ah oo kala ah haweenay Maraykan ah iyo nin Danish ah ayaa la kaxeystay kaddib markii baabuurkii ay saarnaayeen ay weerarreen 6 nin oo dabley ah.

Afhayeenka maamulka Galmudug Axmed Baasto ayaa VOA u sheegay in ciidamada amniga ee maamulku ay ku dabajiraan ragga afduubka geystay.

XS
SM
MD
LG