Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Xisbul-Islam ka tirsan oo la dilay


Kooxo ku hubaysan bistoolado oo aan haybtooda la garanaynin ayaa maanta gudaha suuqa bakaaraha ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka xisbul islaam.

Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabo Barre Cli Bare ayaa xiligii la dilayay waxa soo weeraray kooxo ku hubaysan bistoolado oo durbadiiba rasaas ooda uga qaaday, waxana dad goob joogayaal ah ay VOA u sheegeen in barre cali barre ay rasaastu ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa

Afhayeenka ururka Xisbul-Islam Sheekh Maxamed Macalina ayaa ka hadlay dilkaasi, wuxuuna sheegay inaysan ilaa haatan cadayn karin cidda dilkaasi geystay oo baaritaanno ay wadaan.

Bare Cali Bare oo ah sarkaalka xisbul islaam ee maanta la dilay ayaa dhawaan waxa uu si adag uga soo hor jeestay ku biiritaankii uu Sheekh Xasan Turki ku biiray kooxda al-shabaab, waxana shir jaraa'id uu xiligaasi qabtay ku sheegay in aanay Sheekh Xasan Turki iyo kooxdiisu aysan matalin kooxda Raaskambooni.

XS
SM
MD
LG