Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Somaliland ah oo lagu weeraray Taleex


Saraakiil Somaliland ah oo lagu weeraray Taleex
Saraakiil Somaliland ah oo lagu weeraray Taleex

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhimatay qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar xalay loo geystay saraakiil Somaliland ka tirsan.

Meel ku dhow degmada Taleex oo lagu magacaabo Carrooley, ayaa waxaa xalay goor dambe lagu weeraray saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sii jeeday degmada Taleex.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay laba ruux oo uu ka mid yahay guddoomiyihii waxbarashada ee degmada Taleex.

Qaar ka mid ah saraakiishii kale oo dhaawac ah waxaa qabtay ciidamada maamulka Puntland.

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo watay wafdigaasi ayaa isagoo ku sugan Taleex uu weerarkaasi ku eedeeyay in ay ka dambeyso Puntland.

Dhanka kale, Puntland waxaa la geeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi iyo gaarigii ay wateen.

XS
SM
MD
LG