Qarax is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 7 ayaa ku dhintay qaraxa. Dadka Dhintay waxaa ku jira, Guddoomiyahaasha guddiga olombikada iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.
R/wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Max'ed Cali ayaa sheegay in qaraxan ay fulisay haweenay isa-soo miidaamisay.
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, dhowr xildhibaan iyo weriyayaal ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen qaraxa.
Qeybta hoose ka dhagayso wareysiyo, warbixinno ka hadlaya qaraxa.